Home Wararka Somaliya Jubbaland Taliyii NISA ee Gobalka Gedo ahaana Talihiyii Gacanta Ku Haayay Amniga Gedo...

Taliyii NISA ee Gobalka Gedo ahaana Talihiyii Gacanta Ku Haayay Amniga Gedo oo La Dilay

0

Waxaa qarax miino oo wadada dhineceeda loo dhigay ku geeriyooday taliyihii Nabad Sugida ee gobolka Gedo C/raxmaan C/llaahi oo loo yaqaanay Bakaal Kooke.

Sida wararku ay sheegayaan, qaraxa oo ahaa mid culus ayaa haleelay gaari ciidan oo uu watay taliyaha oo ka baxay Luuq kuna sii jeeday Doolow.

Waxa jira dhimasho iyo dhaawac kale oo ka dhashay weerarkaan markii dambe isku badalay dagaal u dhexeya Ciidanka dowlada & Alshabab, walow aan la shaacin xadiga khasaaraha.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee Nabad Sugida magaalooyinka Beledxaawo iyo Dooloow C/llaahi Kiniini oo la socday marxuum Bakaal Kooke.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa ku faantay in howlgalkan uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen, waxeyna tilmaameen in mudo ay ku raad joogeen saraakiishan ay beegsadeen.

Si kastaba, marxuum Bakaal Kooke ka sokow inuu ahaa taliyihii Nabad Sugida gobolka Gedo, waxa uu sidoo kale ahaa wakiilkii dhamaaa ee gobolkasi Gedo ee dowladdii madaxweyne Farmaajo, iyadoo ilaa waayadaan danbe ay muuqatay saameyntiisa

Ad
Previous articleDadkee ayaa laga Ceshanayaa Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ” Wasiirada Socdaalka Sweden oo ka jawaabtay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Safar Deg Deg Ah Ku Gaaray Dalka Sucuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here