Home Wararka Maanta Taliyaha CID Ee Gobolka Mudug Oo La Weeraray

Taliyaha CID Ee Gobolka Mudug Oo La Weeraray

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi xalay lagu weeraray taliyaha hay’ada dambi baarista CID ee gobolka Mudug L/X/le Mahad Cabdi Jaamac.

Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan oo aan wali la aqoonsan ay rasaas ooda uga qaadeen taliyaha, walow uu ka badbaaday isku daygaas lagu damacsanaa in lagu dilo taliyaha

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ee Garoowe ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkan uu ku dhaawacmay mid kamid ah ilaalada taliyaha oo xaaladiisa laga deyrinayo maadaama rasaasta ay ka haleeshay qqleybaha sare ee jirka.

Ciidamadda amniga ee gobolka Nugaal ayaa wada howlgalo culus, iyago baadi goob ugu jiro soo qaabshada ragii falkan ka danbeeyay, si cadaalada loo horgeeyo.

Si lastaba, weerarkan ayaa shaki culus dhaliyay, iyadoo saraakiisha qaar ay sheegeen in Shabaab ama Daacish aaney awood u leheyn iney fal amni daro ka geystaan caasinadda Puntlamd, iyagoo ku baaqay in si adag loo baaro weerarkan.

Ad
Previous articleFaahfaahin Dheeri ah oo kasoo baxaysa Dil loogaystay Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan
Next articleDowlada Turkiga oo Gacanta Kusoo Dhigtay Ruuxii ka Danbeeyey Qarixi ka Dhacay Stanbul(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here