Home Wararka Maanta Faahfaahin Dheeri ah oo kasoo baxaysa Dil loogaystay Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan

Faahfaahin Dheeri ah oo kasoo baxaysa Dil loogaystay Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan

0

Nin Odaya ahaa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa saaka waaberigii lagu dilay magaalada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in ninkan lagu dilay meel u dhow Gurigiisa oo ku yaalla meel ku dhow Ex-koontrool Afgooye ee Magaalada muqdisho, xilli uu kasoo laabtay Masaajidka oo uu Salaad Subax ku soo dukaday.

Dilka Ninka warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaarkood waxay sheegayaan in dilkiisa ay ka dambeeyeen burcad ah oo dhac u geysanayay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegaya in ragga burcada ah ay malmahanba dhac baahsan ka wadeen xaafadaas.

Dilalka ay geysanayaan kooxaha hubeysan iyo burcada ayaa maalmahan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, iyadoo laamaha amaanka DF aysan weli wax war ah ka soo saarin.

Ad
Previous articleMucaaradka Somaliland: Maanta kadib Muuse Biixi uma aqoonsanin madaxweyne
Next articleTaliyaha CID Ee Gobolka Mudug Oo La Weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here