Tagsiilayaasha Sweden oo ku baaqay in la Qaado Tilaabooyin looga Hortagayo Dambiyada Galmada

Foto: Polisen

Ururka wadayaasha Tagaasida ayaa ku baaqay in la qaado tillaabooyin looga hortagayo dambiyada faraxumeynta  iyaga oo ku sababeeyay cillado dhanka ammaanka ah .

Dalabka ururkan ayaa yimid kadib markii baaritaan uu sameeyay telefiishanka Sweden lagu ogaaday in ugu yaraan 17 taksiile ah lagu helay dambiyo galmo sanadkii lasoo dhaafay.

Agaasimaha ururka, Bauer Coskun, ayaa sheegay in waxa dhacaya “ay wax u dhimayaan sumcadda waaxda oo dhan.”

Ururku waxa uu aaminsan yahay in ay jiraan cillado dhinaca nidaamka amniga ah oo ka jira qaybta, tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in ay adag tahay in la ogaado dembiyada ay galaan darawaliinta tagsiga madow, ama isticmaalaya aqoonsiga darawal kale.