Home Wararka Somaliya Galmudug Tababar ku saabsan Sugida amniga Doorashooyinka oo Dhuusamareeb loogu Qabtay Ciidamada Booliska(Sawiro)

Tababar ku saabsan Sugida amniga Doorashooyinka oo Dhuusamareeb loogu Qabtay Ciidamada Booliska(Sawiro)

0

tababar ku saabsan sugida Amniga Doorashooyinka ayaa Lagu qabtay caasimada Galmudug ee Dhusmareeb, kaas oo ay Kasoo qayb Galeen Ciidamada Booliiska amniga caasimada, waxaana inta uu socday tababarka lagu siinayey laamaha kasoo qeyb galay habka sugida Amniga ee Doorashooyinka ka socta Caasimada Dhuusamareeb.

Wasaarada Amniga Galmudug oo furtay siminaarkan ayaa uqabatay in ka badan 40 qof oo iskugu jira askar iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Magaalada Dhuusamareeb.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ahna ku simaha agaasimaha Mohamed Hassan-Shaare iyo Madaxa Tababarada iyo qorshaynta ciidanka Booliska Galmudug mudane Gashanle Dhexe Mohamud Cilmi (Gulaafe) ayaa sheegay in tababarkani qeyb ka noqon doono sare uqaadista habka sugida Amniga ee ciidanka Booliiska umarayaan Doorashooyinka ka socda Galmudug.

Ad
Previous articleDagaalo Lagu Hoobtay oo Maalintii Labaad kasocda Galmudug iyo Madaxda oo Doorasha Ku Mashqulsan
Next articleDalka Carooday in lagu Daray Liis ay Soomaaliya Ku Jirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here