Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaalo Lagu Hoobtay oo Maalintii Labaad kasocda Galmudug iyo Madaxda oo Doorasha...

Dagaalo Lagu Hoobtay oo Maalintii Labaad kasocda Galmudug iyo Madaxda oo Doorasha Ku Mashqulsan

0

 

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo Maleeshiyo Beeleed ayaa maalintii labaad ka socda degaanka Haraale oo dhanka Galbeed ka xiga degmadda Balanbal ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka maanta dhacay oo ka cuslaa kii shalay ayaa labada dhinac waxa ay adeegsanayaan Gaadiid Dagaal, waxayna xogtu sheegee in dagaalka maanta uu sababay dhimashadda 20 Ruux, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 30 Ruux kale.

Maleeshiyo Beeleedyadani ayaa kala hellaya Gurmadyo kala duwan taas oo dagaalka ka dhigtay mid qasaaro badan sababay.

Labada Maleeshiyo Beelood ayaa Kasoo Kala jeeda Degmada Balanbal iyo Degmada Guriceel Majirto Dadaalo ay ilaa iyo Hada Wadaan Madaxda Galmudug oo Ku aadan sidii loo Qaboojin lahaa Dagaaladaaan,.

Dagaaladaan aya Kusoo aadaya Xili Guud ahaan Deegaanada Galmudug ay ka Jiraan abaaro Baahsan oo dad iyo Duunyaba Saameeyey.

 

Ad
Previous articleMaxkamada Ku Taala Gaalkacyo oo Dhalinyaro Alshabaab ah Xukuno Ku Riday
Next articleTababar ku saabsan Sugida amniga Doorashooyinka oo Dhuusamareeb loogu Qabtay Ciidamada Booliska(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here