Home Wararka Caalamka Sweden oo Nidaamka Liidka Diyaaradaha ugu deeqday Ukraine

Sweden oo Nidaamka Liidka Diyaaradaha ugu deeqday Ukraine

0

Wasiirka Difaaca Paul Jonsson ayaa shaaca ka qaaday in Sweden ay u diri doonto dalka Ukrain habab liddi ku ah diyaaradaha , wuxuuna wasiirku shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in sababo amni awgeed aan faahfaahin laga bixin karin.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in taageerada ciidanku ay ka mid yihiin gawaari, agabka jiilaalka, gaashaanka difaaca, iyo teendhooyin.

Intii uu socday shirka, Ra’iisul Wasaare Ulf Kristershon wuxuu ku dhawaaqay in Sweden ay bixin doonto xirmo taageerooo leh saddex qaybood: mid bini’aadantinimo, taageero militari iyo siyaasadeed.

Qiimaha xirmada taageerada militari ee Ukraine ayaa gaareysay 3 bilyan oo karoon, halka taageerada bini’aadantina ay gaareyso 720 milyan oo karoon.

“Waa weerar Ruush ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, waxay burburinayaan nidaamka korontada iyo tamarta waxayna bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah,” ayuu yiri Kristjon.

“Sidoo kale way caddahay in Ukraine ay si fiican isu difaacayso si ka baxsan wixii la filayey, qayb ahaanna sharaxaadda tani waa inay taageero ballaaran ka hesho dalal kale,” ayuu raaciyay.

Wasiirka horumarinta dalkaasi Johan Vörschel ayaa sheegay in xirmada gargaarka bini’aadantinimo ee Ukraine ay gaareyso 720 milyan oo karoon.

Ad
Previous articlelaftagareen oo lagu eedeeyey inuu Doorasho Ka Qabto Koonfurgalbeed
Next articleBarlamaanka Sweden oo u Cadeeyay Shari Cusub oo Dood badan abuuray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here