Home Wararka Caalamka Barlamaanka Sweden oo u Cadeeyay Shari Cusub oo Dood badan abuuray

Barlamaanka Sweden oo u Cadeeyay Shari Cusub oo Dood badan abuuray

0

Baarlamaanka dalka Sweden ayaa cod u qaaday in wax laga bedelo dastuurka dalka Sweden oo lagu ciqaabayo basaaska ajnabiga ah, iyadoo lagu dhaliilayo inuu xadgudub ku yahay xoriyada saxaafada iyo xoriyatul qawlka.

Sharciga ayaa macnihiisu yahay in qof kasta oo daabaca xog sir ah oo saameyn weyn ku yeelan karta xiriirka Iswiidhen ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah loo aqoonsanayo inuu galay fal-dembiyeed ciqaabtiisu ugu badnaan karto 4 sano.

Wax ka beddelka sharciga ayaa soo bandhigi doona dembiyada basaasnimada shisheeye iyo bixinta macluumaadka sirta ah ee qaabka iskaashiga caalamiga ah ee sharciga dembiyada.

Dhammaan xisbiyada baarlamaanka, marka laga reebo xisbiyada bidix iyo kuwa deegaanka, ayaa u codeeyay wax ka bedelka dastuurka.

“Haa ayaan ku codeyneynaa sababtoo ah waxaa na heysata xaalad dibadda ah oo aad u xun oo dimuquraadiyadda Iswiidhen ay halis ku jirto, nolosha dadka iswiidhishka ahna ay halis ku jirto, haba ugu badnaato howlgallada kala duwan ee ay Sweden ka qeyb-qaadato,” ayuu Johann Pershon, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna u sheegay Swedish. TV

 Dhankeeda, hogaamiyaha xisbiga Sooshal dimuqraadiga, Magdalena Andershon, ayaa tidhi, “Waa dal-dalool xagga sharciga ah, waana in la xidhaa. Waxay ku saabsan tahay amniga qaranka.”

Ururada waaweyn ee warbaahinta Sweden ayaa walaac ka muujiyay xoriyada saxaafada taasoo ka dhalatay wax ka bedelka dastuurka.

Xigasho : www.svt.se

Ad
Previous articleSweden oo Nidaamka Liidka Diyaaradaha ugu deeqday Ukraine
Next articleSharciga Deganaansha Rasmiga ee Sweden Dadka heesta oo Mid ku meel gaar loogu badali karo ‘Migrationsverket-ka oo ka hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here