Sweden oo lagu Xiray labo nin oo looga Shakisanyahay inay Basaas yihiin

Labo qof oo looga shakisan yahay inay basaas yihiin ayaa lagu xiray dalka Sweden, waxaana lagu eedeeyay falal sirdoon oo sharci darro ah oo ka dhan ah Sweden iyo quwadaha shisheeye, sida ay Säpo ku sheegtay.

Labadan qof ayaa lagu soo qabtay howlgal ay boolisku ka sameeyeen xaafadda Stockholm, sida uu war-saxaafadeed ku qoray booliska ammaanka ee Säpo .

Mid ka mid ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu sirdoon sharci darro ah ka waday dalka Sweden iyo dalal kale, halka midka kalena lagu soo oogay dacwad. Qof kale ayaa loo qaaday si su’aalo loo weydiiyo.

Lama oga dalka looga shakisan yahay inay u basaasayeen.