Diyaaradaha Turkiga oo weerar ku qaaday xarunta Maraykanka ee lagu tababaro dagaalyahanada Kurdiyiinta

ciidamada Turkiga ayaa duqeeyay deegaanka Amuda ee ku yaalla waqooyiga gobolka Al-Hasakah ee dalka Suuriya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Firat Isniintii.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka tobanaan madfac ayaa lagu garaacay fariisimaha ciidamada Kurdiyiinta Siiriya ee SDF ay ku leeyihiin deegaanka Mer’it. Dhowr qof oo rayid ah ayaa la dilay ama la dhaawacay.

Subaxnimadii hore ee maanta, diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada SDF ku leeyihiin deegaanada Baxira iyo Tell Hamdun ee dhanka xuduuda, iyagoo dhaawacay labo qof oo deegaanka ah.

Sidoo kale Isniintii, diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa duqaymo ka gaystay cutubyo Kurdiyiin ah oo u dhow Cayn al-Arab (sidoo kale loo yaqaan Kobani) ee daanta bari ee Furaat. Marka laga soo tago in duqeynta madaafiicda lagu garaacay xaafado badan oo ay leeyihiin Kurdiyiinta oo ku yaalla xaafadda Al-Shehba ee galbeedka Xalab.