Home Wararka Maanta Soomaaliland oo War lama Filaan ah Kasoo Saartay Xisadii laasacaanood Xili laga...

Soomaaliland oo War lama Filaan ah Kasoo Saartay Xisadii laasacaanood Xili laga Taagay Calanka Soomaaliya

0

Taliyaha ciidamada SL Nuux Taani Ismaaciil oo hadda hadlay ayaa sheegay in ay xukumaan oo ay gacantooda ku jirto iyagu magaalada Laascaanood, wuxuu sheegay in gaadiidka iyo ciidanka hubeysan ee magaalada soo galay galbinayay Isimadda dhaqanka ay iyaga xukumaan, iyadoo ciidamada soo galay magaalada la xaqiijinayo in ay yihiin kuwa waligoodba kasoo horjeeday damaca SL.

Nuux ayaa sheegay in ay gudanayaan waajibaadkooda, oo uu sheegay in ay tahay difaaca, wuxuu ku hanjabay in nabadda Sool ay iyagu ku nool-yihiin “Salaad la tukan maayo, nabad guryaha lagu seexan maayo, ganacsi majirayo, haddii nabadgalyadu meesha ka baxdo”.

Dadkii ay ciidamadu dileen ayuu sheegay in ay ahayd talaabo nabadgalyada lagu xaqiijinayay, wuuna Ka tacsiyey.

Nuux Taani ayaa sheegay in aysan aqbaleyn wax aan doonistooda aheyn, oo aysan raali ka noqoneyn, ciidamadooduna u soo galeen magaalada in ay nabadgalyada sugaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Kormeeray Xarumihii Dowlada ee Magaalada Xarardheere Xili Xasan Shiikh magaladaas ku Wajahanyahay(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG AH: Hoobiyaal Lagu Garaacay Madaxtooyada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here