Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo Kormeeray Xarumihii Dowlada ee Magaalada Xarardheere Xili Xasan...

Madaxweyne Qoor Qoor oo Kormeeray Xarumihii Dowlada ee Magaalada Xarardheere Xili Xasan Shiikh magaladaas ku Wajahanyahay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug, ayaa kormeer kusoo maray magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, asagoona u kuurgalay xaalada nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, Isbitaalka magaalada iyo saldhiga Booliska degmada Xarardheere.

Madaxweynaha dowladda Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasoo todobaakii hore lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Inkastoo aan rasmi ahaan loo ogeyn xiliga uu baxayo madaxweynaha, hadana waxaa ka socda magaaladaasi diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, waxaana halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo xaqiijiyay amniga magaalo xeebeedan.

Ad
Previous articleQarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya
Next articleSoomaaliland oo War lama Filaan ah Kasoo Saartay Xisadii laasacaanood Xili laga Taagay Calanka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here