Home Wararka Maanta Soomaali ka badbaaday doonidii lagu le’day ee ku degtay xeebaha Talyaaniga (Sawirro)

Soomaali ka badbaaday doonidii lagu le’day ee ku degtay xeebaha Talyaaniga (Sawirro)

0

Lamaane u dhashay Soomaaliya oo ka mid noqday dadkii ka badbaaday Doonidii lagu le’day.

Inkastoo warar hore sheegeen inay Lamaane Soomaali ah ku dhinteen Doonidaasi, haddana Warar xilli dambe soo baxay ayaa lagu sheegay inay ka badbaadeen Doonida ku degtay Xeebaha Koonfurta Talyaaniga.

Asal ahaan Muhaajiriinta doonidii ay la socdeen waxay ka soo shiraacatay Xeebta magaalladda izmir ee Galbeedka dalka Turkiga.

45 qof oo ay ku jiraan dhowr carruur ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Doonidii ku degtay Xeebaha Koonfurta dalka Talyaaniga.

Doonidaasi waxaa la sheegay inay dhowr maalmood (4 ilaa 5 maalmood) ka hor ka soo shiraacatay Xeebta magaalladda Izmir ee Bariga dalka Turkiye, sida laga soo xigtay Muhaajiriinta badbaaday.

Waxay sheegeen inay ilaa 150 Muhaajiriin la socdeen Doonida, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeday Iran, Afgaanistaan, Pakistan dhowr dal oo kale.

Doonida oo ahayd nooca Alwaaxa ee lagu Kalluumeysato ayaa waxay Waaberigii hore shalay ku burburtay meel u dhow Xeebta loo dalxiis tago ee Steccato di Cutro ee Gobolka Calabria.

Sida laga soo xigtay Manuela Curra oo ah Sarkaalad ka tirsan Maamulka Gobalka waxaa la badbaadiyey 81 Muhaajiriin oo 22 ka mid ah la dhigay Isbitaalka, halka 45 kalena ay ku geeriyoodeen Doonida degtay.

Boliska Ilaalada Canshuuraha ee Talyaaniga waxay gacanta ku dhigeen Nin lagu sheegay inuu Mukhalas yahay, kaasi oo ay Muhaajiriinta soo fara muuqeen, waxaana loo haystaa eedeyn la xiriirta Dad Tahriibin.

Maayarka ama Duqa magaalladda Cutro, Antonio Ceraso waxa uu sheegay inay Haween iyo carruur ka mid ahaayeen dadkii geeriyooday, inkastoo aan weli la haynin Tirada Rasmiga ee carruurta ku geeriyootay Shilkaasi.

Antonio Ceraso oo la hadlay Telefishinka Talyaaniga ee The SkyTG24 News Channel waxa uu xusay inuu arkay wax aadan rabin inaad Noloshaada aragto.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Doonida ka soo shiraacatay Xeebaha magaalladda Izmir ee Bariga Turkiga 3 ilaa 4 maalmood ka hor, iyadoo  Muhaajiriinta badbaaday sheegeen inay Doonida la socdeen 140 ilaa 150 Muhaajiriin.

Dadka badbaaday waxay badankooda ka yimaadaan Afgaanistaan,  tiro yar oo Pakistani ah iyo Lamaane Soomaali ah.

Waxaa Adag in Muhaajiriinta geeriyootay la aqoonsado dalalka ay ka soo jeedaan.

Weriye la tirsan Telefishinka Dowladda Talyaaniga ee RAI waxa uu soo qaatay Qoraal Af Turkish oo ku dul qornaa qeyb ka mid ah burburka Alwaaca we Doonida oo ahaa “Smyrna” oo la micno ah Deked Turkish oo xitaa loo yaqaano Izmir.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Talyaaniga,  Sergio Mattarella waxa uu sheegay in badan oo ka mid ah Muhaajiriinta ay ka soo jeedaan dalalka Iran iyo Afgaanistaan, kuwaasi oo ka soo baxsaday Xaalladaha Adag ee ka jira dalalkooda.

Ignazio Mangione oo ah Sarkaal ka tirsan Laanqayrta Cas ee dalka Talyaaniga oo la hadlay Telefishinka SkyTG24 waxa uu tilmaamay in la rumeysan yahay in carruur tiradooda aad u yar tahay ka badbaadeen Doonida degtay.

Ad
Previous articleDagaalCulus oo saakay ka socda Laasacaanood
Next articleCiidanka Amniga Muqdisho oo dhalinyaro Ciyaal weero ah ka qabqabtay Muqdisho Xili Alshabaab ay Dilal Ku Bilaabeen Ciyaal weerada (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here