Home Wararka Maanta DagaalCulus oo saakay ka socda Laasacaanood

DagaalCulus oo saakay ka socda Laasacaanood

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka SSC ayaa saaka waaberigii mar kale ka qarxay duleedka Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Goobjoogayaal ku sugan aaga lagu dagaalamayo ayaa sheegay inay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac, isla markaana mararka qaar ay hoobiyeyaal ku soo dhacayaan xaafado katirsan Magaalada oo inteeda badan laga qaxay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo halka loo yaqaano Maraaga oo 20km bari ka xigta magaalada Laascaanood.

Lama waxa dagaalka soo cusbooneysiiyey, iyadoo Somaliland ay shalay shaacisay iney ciidankeeda kala baxday magaalada Laascaanood iyo degaano kale, hase ahaatee warar soo baxay saaka ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan Somaliland ay xalay soo buuxiyeen saddex jiho oo ka tirsan Magaalada Laascaanood ah.

Goobaha Ciidamada la soo dhoobay ayaa waxaa ka mid ah Buuntada Booda oo la geeyay Ciidamadii shalay ka soo baxay dhinaca Tukaraq, Buuraha Goojacadde iyo Tuulada Samakaab oo 6km u jirta Magaalada Laascaanod.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascanood oo daba socda dagaalo todobaadyadii la soo dhaafay ka socday gudaha iyo hareeraha magaalada Laascaanood kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale, waxaana sidoo kale ku barakacay 185 kun oo qof sida ay sheegtay QM.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dilal Layaab leh ka Bilaabay Muqdisho Dilayna ku Dhawaad Lix Qof wax ka Yar 24saac
Next articleSoomaali ka badbaaday doonidii lagu le’day ee ku degtay xeebaha Talyaaniga (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here