Home Wararka Maanta Siciid Deni oo la Kulmay Gudoomiyaha Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Xili eed...

Siciid Deni oo la Kulmay Gudoomiyaha Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Xili eed Kulul Loo Jeediyay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay kulana la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Mudane Maxamed Cawil Warsame oo booqasho ku jooga Garawe.

Siciid Deni iyo guddomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa kawada hadlay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka bilaabatay magaalada Garawe iyo sidii doorashada u noqon laheyd mid hufan.

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada in ay ku shaqeenayaan habraacii iyo heshiiskii gollaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho.

Doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ee ka bilaabatay magaalada Garawe ayaa durba laga keenay cabasho xoogan, waxaana doorashadda loo diiday xubno isku soo sharaxay iyada oo sidoo kale lagu qabtay goob xero milatari ah.

Ad
Previous articleMaamul Goboleed Soo Saaray Jadwalka 5kursi oo Cusub
Next articleGudoomiyaha Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo War kasoo Saaray Doorashada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here