Home Wararka Somaliya Shirka Golaha Wadatashiga oo galay Maalintii labaad.

Shirka Golaha Wadatashiga oo galay Maalintii labaad.

0

Waxaa Maanta Maalintii labaad gelaya Shirka Golaha wdatashiga doorashooyinka , kaas oo shalay Madaxda uga furmay Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulankii shalay ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, waxyaabaha qabsoomay, horumarada la sameeyey iyo haddii ay jireen caqabado mudadii bisha ahayd ee ay kala maqnaayeen.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shirkii uga qeyb galay Aalada ZOOMKA, ISAGA OO KU MAQAN DALKA Turkiga ayaa la filayaa in uu Maanta Muqdisho kusoo laabto kuna biiro Shirka.

Maanta ayaa markale uu kulanka halkaasi ka sii socon doonaa, waxana Maanta la filayaa inay Kulanka qeyb ka noqdaan Guddiga gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha u xilsaaray arrmaha doorashada, kuwaas oo Warbixino looga dhageysan doono.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in Madaxda ay sidoo kale sii amba qaadi doonaan sababta keentay in madaxda ay shiraan, taas oo ku saabsan dib u eegis lagu sameyn doono qodobada qaar ee heshiiskii doorashada, sida qodobka ku saabsan labada Goobood ee loo asteeyay Maamul walba in lagu qabto doorashada.

Ad
Previous articleMadaxda galmudug iyo Konfur galbeed oo Muqdisho ku kulmay
Next articleCiidamada Galmudug iyo Kuwa DF oo Howlgallo Miina baaris ah ka sameeyay Wisil (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here