Home Wararka Somaliya Galmudug shir u dhaxeeya Dowladda dhaxe iyo Dowlad Gobaleedyada oo Maanta Furmay

shir u dhaxeeya Dowladda dhaxe iyo Dowlad Gobaleedyada oo Maanta Furmay

0

Shirka Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka iyo Wasaaraddaha Caafimaadka dowlad Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirka ka furmay Caasimadda Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa qorshayaasha Horumarineed ee Caafimaadka dalka iyo Iskaas

Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda iyo kuwa Caafimaadka maamulada, Hay’addaha iyo Deeq bixiyeyaasha Caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirada Caafimaadka maamulada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo xubno ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya Shirka.

Shirkaan ka furmay Magaalada Garoowe ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed, waxaana shirkaas sigaar ah diirada loogu saarayaa qorshayaasha Horumarineed ee Caafimaadka dalka, Iskaashiga Caafimaad ee Maamulada dalka.

 

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo ka halay Dagaalka Galmudug ka dhacay ee Khasaaraha geestay
Next articleGudoomiyaha Dhuusamareeb oo Deeq kala duwan gaarsiiyay Ciidamada Milateriga (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here