Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo ka halay Dagaalka Galmudug ka dhacay ee Khasaaraha geestay

Maamulka Puntland oo ka halay Dagaalka Galmudug ka dhacay ee Khasaaraha geestay

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdifitaax Muuse Nuur ayaa ka hadlay dagaalkii u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab ee shalay ka dhacay deegaan hoostega Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Guddoomiye Cabdifitaax Muuse oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku boggaadiyay Ciidamada Gor-gor iyo Qaybta 21-aad ee dagaalka Al-shabaab kula galay deegaanka Tuula-xaayow oo dhinaca koonfur ka xiga Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray Askartii ku geeriyootay dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay Tuula-xaayow , isla markaana Caafimaad u rajeeyay Askarta dhaawacyada soo gaareen weerarka, kuwaasi oo la dhigay Xarun Caafimaad.

“Waxaan Bogaadin iyo Amaan ujeedinayaa Cutubyada ka tirsan Ciidamada Gor-gor iyo Qaybta 21aad ee la dagaalamay Shabaabkii rabay inay dhagarta umaleegaan Shacabka Soomaaliyeed ee adeegasada wadada isku xirta Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel kuwaas oo rabay inay miinooyin dhulka ah ugu aasaan, ilaahay Caafimaad taama ha siiyo Askartii ku dhaawacantay dagaalkaasi, askarta ku geeriyootayna ilaahay Janada ha geeyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdifitaax Muuse Nuur.

Saraakiisha Ciidanka qeybta 2-aad ayaa sheegay inay dagaalkii shalay dhacay ay Al-shabaab uga dileen in ka badan 10-xubnood, ayna ka qaateen hub, halka Al-shabaab ay sheegeen inay Ciidanka dowladda ka dileen 7 Askari oo uu ku jiray Sarkaal, kuwo kalena ay dhaawac u geysteen.

Ad
Previous articleLabo Caruur oo walaalo ah oo ku dhintay Dab ka kacay Magaalada Hargeysa
Next articleshir u dhaxeeya Dowladda dhaxe iyo Dowlad Gobaleedyada oo Maanta Furmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here