Home Wararka Maanta Shir Magaalada Nairobi uga furmay Taliyeyaasha ciidamada Itoobiya iyo kuwa TPLF

Shir Magaalada Nairobi uga furmay Taliyeyaasha ciidamada Itoobiya iyo kuwa TPLF

0

Shir ay isugu yimaadeen Taliyaha Ciidamada Itoobiya Birhanu Julla iyo Taliyaha kooxda TPLF Taddese Warada ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi

Waxaa soo qabanqaabiyey shrkan Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Itoobiya Olesegun Obasanjo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Uhuru kenyata, iyadoo sidoo kale ay joogeen masuuliyiin kale oo labada dhinac ka socotay.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan looga hadlayo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii nabadeed ee dhowaan labada dhinac ku gaareen dalka koonfur Afrikam, kaasoo lagu soo afjarayo dagaalka labada sano ka socday woqooyiga dalkaas.

Waxyaabaha sida gaarka ah diirada loogu saarayo shirkan ayaa waxaa ka mid ah dhaqan gelinta xabad joojinta iyo sida hubka looga dhigayo kooxda TPLF, waxayna qodobadan qeyb ka ahaayeen heshiiska ay gaareen labada dhinac.

Heshiiskan ayaan wali si toos ah u dhaqan galin marka laga reebo erayadii ay dowladdu u adeegsan jirtay TPLF iyo inay dowladdu ka saartay liiska Argagaxisada kooxda TPLF oo billowgii dagaalka u aqoonsatay.

Waxaa shirkan uu socon doonaa muddo saddex maalmood ah, iyadoo shirka kan xiga uu ka dhici doono magaalada Makelle ee xarunta Tigray, wixii intaa ka dambeeyana waxaa la isku arki doonaa magaalada Addis Ababa sida qorshuhu yahay.

Ad
Previous articleMaamulka Gobalka Banaadir & kan Kigali oo heshiis iskaashi kala saxiixday (Sawirro)
Next articleAlshabaab oo isaga Baxay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Galmudug iyo Ciidamo Dowlada oo Kaabiga Ku Haaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here