Home Wararka Maanta Maamulka Gobalka Banaadir & kan Kigali oo heshiis iskaashi kala saxiixday (Sawirro)

Maamulka Gobalka Banaadir & kan Kigali oo heshiis iskaashi kala saxiixday (Sawirro)

0

Wafdiga ka kooban Agaasimayaal iyo La-taliyeyaal farsamo oo ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo booqasho aqoon korosi ku jooga dalka Rwanda ayaa kulamo Aqoon kororsi la qaatay dhigooda Dawladda Hoose ee Kigaali.

 

Aqoon kororsiga labada dhinac ayaa la xariira Arrimaha qorshaynta, fulinta Siyaasadaha, Maamulka Mashaariicda, dib u dhiska wadooyinka, Bulaacadaha, shaqo abuurka, kobcinta, ganacsiga, iyo iskaashiga ganacsatada iyo Dawladda.

 

Wafdiga ka socda Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Xafiiska Hey’adda iskaashiga Rwanda (Rwanda Cooperation) iyo Xarunta dhexe ee Waaaradda Dowladaha hoose ee Dalka Rwanda halkasi oo ay saraakiil sarsare ee Wasaaradda ah iyo kuwa Hey’adda kaga dhageesteen warbixinno ku saabsan hawlaha iyo adeegyada ay qabtaan.

Dhinaca kale Wafdiga ayaa kulamo la qaatay saraakiil ka mid ah dawldda Hoose ee Kigali oo ay is dhaafsadeen xogo iyo macluumaad aqoon is-weedaarsi la xiriiro hawlaha Dawladda Hoose ee Kigaali iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoona maalmaha soo socda uu Magaalada Kigali kasii socon doonno kulamada Aqoon is-weydaarsi ee labada dhinac.

Ad
Previous articleSweden oo iska Fogeesay inay Caawiso kooxaha Kurdiyiinta
Next articleShir Magaalada Nairobi uga furmay Taliyeyaasha ciidamada Itoobiya iyo kuwa TPLF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here