Home Wararka Somaliya Galmudug Shir dib u Heshiisiin ah oo Biri ka Furmaya Baxdo

Shir dib u Heshiisiin ah oo Biri ka Furmaya Baxdo

0

Wafdi oo uu hogaaminayaan Guddoomiyaha Guddiga arimaha bulshada ee Baarlamaanka Galmudug Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaarre ayaa ujeedka safarkooda waxaa lagu sheegay sidii xal looga gaari lahaa labada maleeshiyo Beeleed oo dagaalamay iyo xiisad u dhaxeysa oo weli kabtaagan degaankaas.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay kulan la qaateen Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo Odayaasha Dhaqanka, iyaga oo kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiuo Beeleed oo isku heysta dhul ku yaal degaankaas.

Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in degaanka Baxdo Gaabo uu ka furmo kulan lagu heshiisiinayo labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan Odayaasha iyo Waxgaradka labada  Beelood.

Ad
Previous articleFaah faahin Ku saabsan Qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo Maanta dhacay
Next articleDagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud OO khasaaro laga soo sheegayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here