Home Wararka Maanta Faah faahin Ku saabsan Qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo Maanta dhacay

Faah faahin Ku saabsan Qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo Maanta dhacay

0

Qaraxa Waxa uu ka dhacay inta u dhaxeesa Isgooska Ex Koontarool Afgooye iyo Xarunta Jaamacadda Gahayr gaar ahaan wadada Macallin Nuur.

Goobta Qaraxa uu ka dhacay marka loo socda dhanka Isgooska Waxaa ka sukeeyo dhagxaan wadada lagu xiray xilligii la bilaabay dhismaha laamiga ah, Waxaana gaadiidka marka ay soo istaagaan ka dib ka qaada dhagaxa gaari Foorliif ah oo heegan ku ah Isgooska Ex Controol Afgooye.

Xilliga uu qarxa dhacayay waxaa halakas taagnaa ciidamo kulanyo ah oo ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan kuwa Gor Gor sida ilo kuwa amniga ah ay ii xaqiijiyeen.

Qarxa oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac mana cadda tirada dhimashada iyo tan dhaawacaba.
Saraakiil ka tirsan Amniga, ayaa ii sheegay in qasaaro uu ka soo gaaray ciidanka Xoogga dalka.

Goobta oo ahayd meel mashquul badan waxaa ku ganacsada dad u badan kuwa danyarta ah waxaana ku taala busteejo laga raaco gaadiidka Dadweunaha BLka ee aada Madiina iyo Bakaaro.

Dowladda Soomaaliya Wali tafaasiil kama aysan bixin sidoo kalana Afhyeenka Ciidanka Booliska kama uusan hadlin

Ad
Previous articleQ M oo sheegtay in daadadkii ku dhuftay gobolada Shabeeladda dhexe iyo Hiiraan ay saameeyeen 400,000 qof
Next articleShir dib u Heshiisiin ah oo Biri ka Furmaya Baxdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here