Home Wararka Somaliya Galmudug Shabaab oo la sheegay inay ka firxanayaan deegaanada Hirshabelle & Galmudug

Shabaab oo la sheegay inay ka firxanayaan deegaanada Hirshabelle & Galmudug

0

General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegay in uu socdo guluf saddex geesood ah, oo la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab looga saaro dhulka ay baaqiga kaga yihiin deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, ka dib hawlgalkii ay ciidamadu 6-dii bishan kula wareegeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Tallaabooyinka xigga waa in deegaanada ay hadda uga dambeeyaan labada maamul laga hawlgalo, qorshuhu waa qorshe isla socdo oo saddex geesood ah.” Ayuu yiri General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Waxa uu muujiyay in gulufkan lagu xoreynayo afarta degmo ee kala ah Xarardheere, Ceelbuur, Ceeldheer & Ruunirgood iyo weliba deegaanada kale ee ka tirsan maamuladaasi, ee ay weli maleeshiyada Al Shabaab ka arrimiyaan.

“Waxaan is leeyahay toddobaadyada soo socda labadaasi maamul deegaanada ay uga harsan yihiin, illaa afarta degmo iyo tuulooyinka kale waa looga daba taggi doonnaa.” Ayuu yiri General Tuuryare oo lagu wareysanayay Barnaamijka Martida Microphone-ka ee VOA.

General Tuuryare ayaa iftiimiyay in ay xogta ku hayaan in Shabaabku ay bilaabeen inay isaga qaxaan dhulka lagu wajahan yahay, iyagoo markaasi ka gudbaya webiga.

“Intaan wararka helaynana hadda qax ayay bilaabeen oo inay webiga ka gudbaan ah, buundooyinkii ay ka gudbi lahaayeena waa laga xiray, badda haddii ay ku cararaana diyaaradihii baa korjooga.” Ayuu yiri General Tuuryare.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shabaabku ay fahamsan yihiin in ay ku khasbanaan doonaan inay hadhow isa soo dhiibaan, haddii aysan xilli hore dhulkaasi isaga bixin.

“Waxay ku khasban yihiin inay isa soo dhiibaan ama intii ay goori goor tahay inay si tahriib oo dhuumaaleysi ah uga baxaan.” Ayuu yiri Tuuryare.

Tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ciidamada Dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa qaaday guluf ay kula wareegeen qaybo ka mida dhulkii Shabaabku ay muddada dheer maamulayeen, oo ay ugu dambeysay Degmada Aadan Yabaal.

Ad
Previous articleGudoomiye Aadan Madoobe Oo Taageero Caalami Ah U Raadinaya Shirka Dib U Heshiisiinta Koonfurgalbeed Galbeed.
Next articleJarmalka oo Tallaabo degdeg ah qaaday kaddib qorshihii afgembi ee fashilmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here