Home Wararka Caalamka Jarmalka oo Tallaabo degdeg ah qaaday kaddib qorshihii afgembi ee fashilmay

Jarmalka oo Tallaabo degdeg ah qaaday kaddib qorshihii afgembi ee fashilmay

0

Ciidamada ammaanka dalka Jarmalka ayaa wali howlgalo culus ka wada qeybo kamid ah dalkaasi, kaddib qorshe afgembi fashilmay oo ay diyaariyeen kooxo katirsan xagjiriinta midigta-fog.

Dowladda Jarmalka ayaa si degdeg ah usoo saartay sharci cusub oo lagu xakameenayo hubka ay dadka heestaan, waxaana sharcigan lagu adkeenayaa heesashada hubka si looga fogaado in qataro amni lagu abuuro.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jarmalka ayaa sheegay in dalka uu ku qasban yahay in uu soo rogo cadaadis la xiriirasidii hubka loo xakameyn, si looga hortago in hab sharci darro ah hubkaasi loo adeegsado.

Xubno katirsan xagjiriinta midigta-fog ee dalka Jarmalka ayaa la dhigay xabsi, waxaana xubnahaasi lagu soo oogay dacwad la xariirta in ay isku dayeen afgembi fashilmay ay ku doonayeen in dowladda xilka uga tuuraan.

Ad
Previous articleShabaab oo la sheegay inay ka firxanayaan deegaanada Hirshabelle & Galmudug
Next articleWararkii ugu dambeeyay ee howlgallada dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee Gobalka Shabeelada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here