Sawiro:- Dhismaha Dekada Hobyo iyo Dooni sida Gawaari oo ku soo xiratay

Dekada Hobyo ayaa lagu wadaa dhismo macmal ah kaasi oo fulinayaan Shirkada gaar ah iyo Ganacnato Galmudug ah kaasi oo hada u muuqda mid guuleystay sida Mudug24 u sheegeen ganacsatada qaar.

Dekada ayaa qaab Waxaa loo dhisayaa Casri ah oo keeni kara in laga maarno in Doomaha yar yar lagu soo qaado alaabta laga soo qaado Doomaha iyo Maraakiibta halkaasi ku soo xirta.

Doomaha keena Ganacsiga kala duwan sida bagaashka iyo Gawaarida kala duwan ayaa toos ugu soo xiranaya qeybaha dhismaha hada la dhisayo.

Xili uu socdo Dhismaha waxaa durba Dekada Hobyo ku soo xiratay Dooni sitay qalab kala duwan oo Gawaari ku jiraan taasi oo muujineysa sida Shacabka Galmudug uga go’an tahay hormarka Dekada.

kala soco Mudug24 wixii ku soo kordha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*