Home Wararka Somaliya Sawiro: Axmed Madoobe oo Kismaayo kula Kulmay Saraakiil Mareykanka ka Socota

Sawiro: Axmed Madoobe oo Kismaayo kula Kulmay Saraakiil Mareykanka ka Socota

0

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Somalia.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashaanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Ciidamada Maraykanka ayaa kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ka taageera dagaalka Al-shabaab, iyagoo siiya tababaro iyo qalab intaba taasoo wax weyn ka bedeshay tayada ciidamada XDS.

Ad
Previous articleuddiga madaxa banaan ee ladagaallanka Musuq maasuqa oo Gudoomiye iska doortay
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here