Home Wararka Somaliya uddiga madaxa banaan ee ladagaallanka Musuq maasuqa oo Gudoomiye iska doortay

uddiga madaxa banaan ee ladagaallanka Musuq maasuqa oo Gudoomiye iska doortay

0

Guddiga madaxa banaan ee ladagaallanka Musuq maasuqa ee dhawaan lagu dhaariyay madaxtooyada dalka ayaa maanta  magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee  la dagaalanka musuq maasuqa, iyadoo doorashadii dhacday ay ku guuleysteen Maxamed Xuseen Xaamud oo loo dortay guddoomiyaha guddiga halka ku xigeenka loo doortay Dr Xasan Khaliif Xasan.

Munaasabadda lagu dooranayay guddoonka waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare  iyo Golaha shacabka Safiirka Soomaaliya ee Djibouti iyo mudanayaal kale.

Xildhibaannadi ka qeybgalay doorashada ayaa boggaadiyay sida xorta ah ee guddiga uu u doortay madaxda hoggaamin laheyd shanta sano ee soosocota.

Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud iyo ku xigeenkiisa ayaa u mahadceliyay xubnihii siiyay codka kalsoonida,  iyagoo sheegay in guddigaan uu baa bi’in doono musuq maasuqa hareeyay dalkeenna, shaqadooduna ay si deg deg ah ku billaabayaan.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Wasiir Cusub
Next articleSawiro: Axmed Madoobe oo Kismaayo kula Kulmay Saraakiil Mareykanka ka Socota

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here