Home Wararka Maanta Sargaal loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiye Degmo oo katirsan G/Banaadir

Sargaal loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiye Degmo oo katirsan G/Banaadir

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in uu xilalka ka qaado qaar kamid ah guddoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir, kuwa cusub oo bedelanaya magacaabo.

Duqa Muqdisho ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday guddoomiyaashii degmooyinka Kaxda iyo Dharkeenley, waxa uuna magacaabay guddoomiyaal cusub oo dhawwaan xilkaasi la wareegaya.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley ayaa loo magacaabay Yuusuf Xundubey oo kamid ah saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa uuna hadda ku magacawnaa taliye kuxigeenka ciidanka taraafikada.

Sargaalkan ciidan ayaa horey usoo noqday taliye qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxa uuna ahaa taliye aad looga yaqaan magaalada loona xushay hadda in uu wax ka qabto falalka ammaan darro ee mararka qaar ka dhaca Dharkeenley.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ayaa sidoo kale loo magacaabay C/llaahi Sheekh C/raxmaan oo kamid ahaa dhallimyaradii banaanbaxyada ka abaabuli jiray Muqdisho xilligii dowladdii Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna kamid ahaa taageerayaasha Xasan Sheekh.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda xilalka ka qaado guddoomiyaal degmo , waxaana xil ka qadaista uu bilaabay Yuusuf Madaale imaaneysaa xilli uusan Madaxweyne Xasan Sheekh wali magacaabin guddoomiye kuxigeenada gobolka.

Ad
Previous articleInta Badan Madaxda Maamul Gobokeedyada oo Maantay Soo Gaaray Muqdisho+Ujeedka
Next articleDEG DEG: Wasiirka Amniga Galmudug oo lamagacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here