Home Wararka Caalamka Ruushka oo sii Daayay Muuqaal ay kaga Hadleen 500 oo askari oo...

Ruushka oo sii Daayay Muuqaal ay kaga Hadleen 500 oo askari oo ay xalay dileen

0

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in Ciidanka Cirka ee Ruushka ay weerareen 87 Saldhig oo Milatari oo ku yaalla Ukraine.

Ruushka ayaa sheegay in ilaa 500 oo askari oo Ukraine ah ay ku dhinteen weerarka ay xalay qaadeen. Waxayna sheegeen in laba goobood oo hubka lagu kaydiyo oo ku taala magaalada Kharkiv ay beegsadeen.

Wasaaradda Difaaca ayaa sidoo kale barteeda Internet-ka soo dhigtay muuqaal la sheegay in uu muujinayo keydka saldhigyada ciidamada Ukraine, taasi oo askarta Ruushka ay sheegeen in hadda ay la wareegeen.

Taangiyada dagaalka iyo gaadiid kale ayaa halkan lagu arkayaa. BBC ma aysan awoodin inay si madax banaan u xaqiijiso sheegashadan.

Ad
Previous articleC.xaashi oo Markale noqday Gudoomiyaha Aqalka Sare
Next articleDeg Deg: Gudoomiye Ku Xigeenka Aqalka Sare oo lagu Kala adkaaday iyo Nabad iyo Nolol oo Cashir adag loo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here