Home Wararka Maanta C.xaashi oo Markale noqday Gudoomiyaha Aqalka Sare

C.xaashi oo Markale noqday Gudoomiyaha Aqalka Sare

0

Waxaa goordhaw soo dhammaatay wareega koobaad ee doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ay ku tartamayeen saddex musharax oo kala ahaa Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Saalax Axmed Jaamac iyo Cusmaan Abokor Dubbe .

Doorashadan oo loo galay olole xoogan ayaa lagu kala baxay wareegii koobaad,waxaana ku guuleestay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay 28-cod halka musharaxii kusoo xigay Saalax Axmed uu helay 24- Musharax Dubbe ayaa helay 2-cod.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada wareega koobaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleesanaya musharaxii hela 28-cod, waxaana codadkaasi helay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Doorashada goordhaw dhacday ayaa guul daro kasoo gaartay kooxda Nabad iyo Nolol uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaana doorashada kusoo baxay Cabdi Xaashi oo kahor yimid damacii Farmaajo ee muddo kororsiga.

Natiijada doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sare u qaadeysa rejo xumada nidaamka Nolol iyo Nabad, waxaana la filayaa in beri iyana la qabto doorashada guddoonka gollaha shacabka.

Ad
Previous articleKooxda Nabad iyo Nolol oo Shaacisay Cida ay Taageersantahay inay Kusoo Baxdo Gudoonka Aqalka Sare
Next articleRuushka oo sii Daayay Muuqaal ay kaga Hadleen 500 oo askari oo ay xalay dileen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here