Home Wararka Maanta Ruushka oo hanjabaad u diray reer galbeedka

Ruushka oo hanjabaad u diray reer galbeedka

0

Wadamada reer galbeedka ayaa la kulmi doona “khatar weyn” haddii ay siiyaan Ukraine diyaaradaha dagaalka F-16, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Alexander Grushko, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.

Aarrintan ayaa daba socotaa ku dhawaaqistii Maraykanka ee ah in uu u ogolaan doono xulafada reer galbeedka inay diyaarado siiyaan Ukraine, iyo sidoo kale fududaynta barnaamijyada tababarida ciidamada Ukraine.

Mareykanka ayaa sheegay in uu u ogolaan doono xulafadiisa reer galbeedka in ay siiyaan Ukraine diyaarado dagaal oo casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha Mareykanka ee F-16, taas oo xoojin doonto Kyiv.

Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aankan “ku wargeliyay dhiggiisa G7” shirkii Midowga Yurub ee Japan.

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale tababari doona ciidanka cirka ah ee Ukrainesi ay u adeegsadaan diyaaradaha, ayuu yiri Mr Sullivan.

Ukraine ayaa muddo dheer raadineysay diyaarado casri ah, waxaana madaxweyne Volodymyr Zelensky uu tallaabadaas ku tilmaamay “go’aan taariikhi ah”.

Ad
Previous articleWafdi culus oo ay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray gudaha magaalada Laascaanood
Next articleCali Daahir Ciid oo Maantay Furay Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here