Home Wararka Somaliya Galmudug Cali Daahir Ciid oo Maantay Furay Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Galmudug(Sawiro)

Cali Daahir Ciid oo Maantay Furay Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Galmudug(Sawiro)

0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo maanta furay kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka Galmudug

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo uu Wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka koobaad ee Golaha Mudane Cabdullahi Xersi Maxamed ayaa maanta Shir-gudoomiyey furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Galmudug iyada oo Gudoomiyuhu sheegay in kalfadhigan uu ka mid yahay shaqooyinka dastuuriga ah ee Baarlamaanka Galmudug, waxuuna uu uga mahad celiyey masuuliyiinta labada Gole Xukuumada iyo Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Gobalka, Maamulka Caasimada Galmudug ee Dhusamareeb, Saraakiisha Amniga iyo Ururada Bulshada ee maanta kasoo qeygaley furintaaka Kalfaadhiga 7aad ee Golaha.

Dr Maxamed Nuur Gacal Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa si qotodheer ugu hadlay Guulihii Baarlamaanku gaaray kalfadhigii hore ee 6-aad iyo ajandayaasha hortebinta leh ee hada horyaal kalfadhiga 7-aad uguna horeeyaan Dib u eegista Dastuurka Galmudug, Xeerhoosaadka Golaha iyo meel-marinta Shuruuc muhiim u ah Galmudug.

Senator Siciid Siyaad Shiwac oo munaasaba kasoo qeybgaley ayaa Golaha uga mahad celiyey Doorashadii Xubnaha Aqalka Sare BJFS ku matalo Galmudug. Sidoo kale Senator Siciid ayaa Golaha ku amaaney meel-marinta Shuruucda, Matalaada, daganaa-shiyaha Siyaasada iyo dowrka Dawlad dhiska Goluhu u hayo Shacabka Galmudug iyo hay,adaha Dawlada.

Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud Cilmi Cali Ganeey, ayaa Golaha uga mahad celiyey dowrka Dawlad wanaaga, meelmarinta iyo tayeynta Sharciga ee Goluhu u taagan yahay.

Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadashey ahmiyadda Dawlad dhisku u leedahay bulshada iyo in la helo Golayaal tayeysan.

Sidoo kale Xildhibaan Canab ayaa ka hadashey in ayasan munaasib ahayn in Golayaasha hay,adaha ee Dawlad Gobaleedyada loo diido qaadashada Baasaboorka Diblamaasiga ah iyada oo ka codsatey Madaxweynaha JFS in uusan Saxiixin Sharcigaas eegana ahmiyadda Maamul daadajinta iyo muhiimada Dawlad Gobaleedka u leeyahay Shacbiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa si rasmi ah u furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Galmudug, isagoo ku amaaney kaalinta Dawlad dhiska iyo Ansixinta Shuruucdii uu Goluhu meel-mariyey una rajeeyey in Baarlamaanku dowr wanaagsan ka qaadan doono Maamula daadajinta, arrimaha Doorashooyinka iyo ajandaha hortebinta u leh kalfadhiga 7aad ee Baarlamanka Galmudug uguna horeeyaan Dib u eegista Dastuurka iyo Shuruuc Muhiim u ah Galmudug.

Ad
Previous articleRuushka oo hanjabaad u diray reer galbeedka
Next articleHoorjooge Mahad Cagaduub oo Sabab yaab leh Ugu Dhintay Galmudug iyo Kuwa kale oo nolosha Lagu Soo Qabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here