Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Aadan...

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Aadan Yabaal

0

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada gole ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xamse Barre iyo wafdiga la socday waxaa degmada Aadan Yabaal kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa degmada Aadan Yabaal inta uu joogo kulamo kula qaadan doona madaxda maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidan ee halkaasi jooga, waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa odayaasha dhaqanka degmadaasi.

Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa dhawwaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka saareen dagaalyahanada Al Shabaab oo sannado badan heestay, waxaana degmadaasi noqotay xaruntii ugu weyneed ee Al Shabaab dagaal looga saaro.

Ad
Previous articleKulankii labaad ee Golaha Shacabka oo Maantay Markale Sabab Yaableh baaqday
Next articleGudoomiye aadan Madoobe oo si wayn Loogu Soo Dhaweeyeb Baydhabo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here