Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo Mar kale Magacaabay Agaasimayaal Cusub

Ra’isul Wasaare Rooble oo Mar kale Magacaabay Agaasimayaal Cusub

0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Agaasimayaal cusub Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta, waana Agaasimayaal Guud

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Saciid Cabdullaahi Calasow.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Maxamed Xayir Ducaale.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in xilka laga qaaday Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta kadib markii wasaaradaasi ay toddobaadyadii la soo dhaafay ay baahineysay wararka mucaaradka, ka dibna ay ka Falcaliyeen dad badan Maadaama Warbaahinta Dowladda ay Tabisay Wararka Mucaaradka

Ad
Previous articleXisbiga ileys oo Hogaamiyo Musharax C/qaadir Cosoble oo Xukumada ku taageeray Go’aanka Guddiga
Next articleBoliiska Soomaaliya oo shaaciyay in Ganacta Lagu soo dhigay nin dhawaan Xaaskiisa dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here