Ra’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi qiimeeya Xubnaha Guddiga Farsamada Doorashada ee Lagu Murmay

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimeeya caddeymaha xubnaha guddiga farsamo ee doorashooyinka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddigan oo heer wasiir ah ay xaqiijin doonaan cadeymaha la xiriira xubnaha guddiga farsamada ee khilaafku ka jiro.

Warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaan lagu sheegin magacyada guddiga iyo tiradoodaba.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Gollaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.”ayaa lagu soo daabacay bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo kan afhayeenka xukuumadaba.