Home Wararka Somaliya Sacuudiga oo xayiraadii socdaal ka qaaday 11 dal oo u badan reer...

Sacuudiga oo xayiraadii socdaal ka qaaday 11 dal oo u badan reer galbeedka iyo Soomaaliya oo liiska cas kusii jirta

0

Sacuudi Carabiya ayaa xayiraadii ka qaaday 11 dal oo markii hore lagu soo rogay xayiraad ku saabsan faafitaanka noocyada kala duwan ee cudurka coronavirus.

Muwaadiniinta dalalka Imaaraadka, Jarmalka, Mareykanka, Ireland, Talyaaniga, Boortaqiiska, Boqortooyada Midowday, Iswiidhan, Switzerland, Faransiiska iyo Japan ayaa loo ogolaaday inay galaan Boqortooyada iyagoo fulinaya xeerarka karantiilka.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee Sucuudiga (PHA), dalalkan waxa la sheegay in ay muujiyeen in ay hoos u dhigeen halista COVID-19.

Si kastaba ha noqotee, 13 waddan ayaa weli ku jira liiska cas.

Dalalkaas waxay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Armenia, Somalia, Congo, Afghanistan, Venezuela, Belarus, iyo India.

Maamulka Guud ee Duulista Hawada ayaa soo saaray awaamiir ku socota cusbooneysiinta xayiraadaha safarka ee loogu tala galay dadka  tagaya Boqortooyada.

Ad
Previous articleGudoomiye Cabdi xaashi iyo dhigiisa dalka Bakistaan oo kulan wada qaatay
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi qiimeeya Xubnaha Guddiga Farsamada Doorashada ee Lagu Murmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here