Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo Shir ku leh Muqdisho

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo Shir ku leh Muqdisho

0

Waxaa goordhow shir uga bilowday Hotelka Decale Ra’iisul Wasaare Rooble, Midowga Musharaxiinta, Madaxweynaha Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo shirkan looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo dhaqan gelinta heshiiskii 25 Khamiistii hore ee sababay in xiisadii ka jirtay magaalada Muqdisho ay qabowday.

Shirka maanta ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo shirkii khamiistii la soo dhaafay uga baaqsaday sababo gaar ah.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa shirka maanta la tagaya sidii loo bilaabi lahaa baaritaanka madaxa bannaan ee dhacdadii 19 February ee ahaa weerarkii Madaxweynayaashii hore iyo rasaastii lagu furay dibad baxayaashii ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta.

Ilo ku dhow dhow shirka aya ahseegaya in arrinta doorashada si gaar ah looga hadli doono, iyo sidii Xubnaha Midowga Musharaxiinta qeyb uga noqon lahaayeen.

Waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu qaato door uu isugu yeero dowlad goboleedyada, lana isugu yimaado shir maalmaha soo socda, si Muqdisho loogu saxiixo qodobadii Baydhabo xalka looga soo gaaray ee Guddiga Farsamada ka soo shaqeeyeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadda u muuqda inuu door ka qaadanayo xallinta caqabadaha ka jira hirgelinta doorashada, waxaana Beesha caalamka ay dhowr jeer ka dalbadeen inuu qaato kaalintiisa hoggaamineed.

Ad
Previous articleShacabka iyo Ganacsatada Gobalka Banaadir oo Amaro la duldhigay
Next articleXukuumada Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta oo caawa Guddi Magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here