Home Wararka Maanta Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo si kulul ugu jawaabay madaxweynaha Mareykanka

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo si kulul ugu jawaabay madaxweynaha Mareykanka

0

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si caro leh uga jawaabay hadal uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden jeediyay ee ahaa inay tahay in Netanyahu uu iska dhaafo qorshihiisa uu wax uga badelayo garsoorka.

Mr Netanyahu ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in Israa’iil ay gaari doonto go’aanka ay doonayso.

Waxa uu sheegay in xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya Mareykanka uu weli xooggan yahay walow uu farriimo kulul soo dhigay bartiisa Twitterka.

Mar uu ka hadlayay shir Mareykanka uu horkacayo oo dimuqraadiyadda loogaga hadlayay, ayuu Mr Netanyahu sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto inay la shaqeyso Mareykanka.

Ad
Previous articleAyan iyo Leila Juma iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen oo Xabsiga Norway la Dhigay
Next articleAbiya Axmed ‘Xilka waxaa iga qaadi kara oo keli ah shacabki i doortay markay codkooda ii diidaan’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here