Home Wararka Maanta Abiya Axmed ‘Xilka waxaa iga qaadi kara oo keli ah shacabki i...

Abiya Axmed ‘Xilka waxaa iga qaadi kara oo keli ah shacabki i doortay markay codkooda ii diidaan’

0

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo warbixinta 6-da bilood ee waxqabadaka dowladdiisa baarlamaanka horgeeyey, qaar ka mid ah xubnaha golaha waxay weydiiyeen su’aalo kulul oo siyaasada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada taabanaya.

Abiiy Axmed su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ahaa dhibaatooyinka waddanka ka jira waxa ugu horreeya oo xalka u noqon kara waa ‘adiga oo xilka ka dag’ marka fadlan xilka ka dag.

Su’aashaasi oo uu weydiiyey xildhibaan lagu magacaabo Kiristian Tadele oo xisbiga mucaaradka ee ANM oo Amxaarada ka soo jeedo ku matalaya baarlamaanka.

Abiy Axmed oo ka jawaabaya su’aashi uu xildhibaankuweydiiyey wuxuu yiri, ”Su’aasha xildhibaanka uu soo jeediyey ee ah ‘xilka ka dag’ waxay micno yeelan laheed hadii loo dhigi lahaa ‘seddexda hay’adood ee sharci fluinta, sharci dajinta iyo dowladdaba xilka ha ka dagaana.”

Wuxuuna intaa ku daray awoodda dowladnimo shacabka Itoobiya inuu leeyahay sida ay annagaba noo doorteen cidda ay donaan ay mas’uuliyadda u dhiiban karaan kana qaadi karaan.

”Xilka waxaa lagu helaa codka shacabka, doorashada dalka Itoobiyana saddex sano ayaa ka dhiman shacabku haddii ay codkooda noo diidaan aniga oo ku faraxsan ayaan xilka ka dagayaa.” ayuu yiri Raysal wasaaraha Itoobiya.

Abiy Axmed waxayaabaha kale oo wax laga weydiiyey waxa ka mid ahaa wadahadallada nabadeed ee lala yeelanayo jabhadaha dwladda dagaalka kula jira iyo khilaafki xudduudeed ee u dhaxeeyey Suudaan iyo Itoobiya.

Jabhadaha Itoobiya ka dagaallama

Xildhibananada golaha shacabku waxay Abiy Axmed wax ka weydiiyeen dowladdiisu sida ay ka yeeleyso jabhadaha hubeysan ee dagaalka kula jira.

Abiy Axmed oo ka jawaabayana wuxuu yiri TPLF heshiis ayaan la galnay welina waxaa jira waxyaabo dhiman oo la xiriira hirgelinta heshiiska nabadeed oo Pritoria labada dhinac ku dhexmaray.

”Jabhadaha Gambeella, Banishaangul-Gumuz, Qimaant iyo Agaw-Shango wadahadallada nabadeed oo aan la galnay meel fiican ayey noo marayaan balse jabhadda Ciidamada Xoreynta Oromada (OLA) maadaamaa ay baahsan tahay madax mideysanna ay laheen wadahadallada aan la geli laheen wax badan noogama suuragelin balse waan ku dadaaleynaa sidi aan u soo afjari dhiggaa shacabka Itoobiya oo micna la’aanta ku daadanaya” Ayuu Abiy Axmed.

Jabhadda OLA dhankeeda waxay sheegtay ilaa iyo hadda inuusan jirin dalab wadahadallo nabadeed oo xagga dowladda uga yimid.

Khilfaaka dhuleed ee Itoobiya iyo Suudaan

Raysal Wasaare Abiy Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey khilaafka dhuleed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan wuxuu sheegay iney jirto dhowr mar ciidamada labada dal isaga dhaceen aagga Al.-fashaqa oo ay labada dal isku haystaan.

”Guddi iskudhaf ah oo labada dowladood ay raalli ka yihiin ayaa ka shaqeynaya arrimaha keenay khilaafka dhuleed ee xadka labada dal, hase yeeshee waxaan la dafiri karin isku isku dhacyo hubeysan ay dhaceen. Dowladda waxay ku dadaaleysaa khilaafka dhulka labada dal u dhaxeeya si nabad ah sidi looga soo afjari lahaa,” ayuu yiri Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Tanii iyo Abiy Axmed marki uu taladaha dalkaasi qabtay dalka Itoobiya waxa ka dhaca dagaallo isiugu jira kuwa jabhadeed iyo kuwa beeleed o ay dhiig badan ku daateen oo uu ugu weynaa dagaalki Waqooyoga Itoobiya muddo laba sana ah ka socday oo heshiiska nabadeed lagu soo afjaray

Ad
Previous articleRa’iisul wasaaraha Israa’iil oo si kulul ugu jawaabay madaxweynaha Mareykanka
Next articleMareykanka oo Somalia u soo Magacaabay Safiir cusub oo ka awood badan kuwii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here