Home Wararka Somaliya Galmudug Rag Kufsi ka Gaystay Kadibna Muqaal ka Duubay Gabar oo Maxkamada Caabudwaaq...

Rag Kufsi ka Gaystay Kadibna Muqaal ka Duubay Gabar oo Maxkamada Caabudwaaq Go,aan ka Gaartay

0

Waxaa shalay gelinkii dambe Maxkamada Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud la soo taagay rag Ku eedaysnaa Kufsiga iyo Faafinta Muuqaalada anshax Xumadaa ee laga duubay Dhawaan Gabar ku sugan Magalada Caabudwaaq.

Edaysanayaasha Maxkamada la horgeyay ayaa kala ah.

1- Maxamed Siciid Maxamed,

2- Miscab Cabdullaahi Xasan,

3- Cabdirashiid Daahir Ismaaciil

Sidoo kale waxaa Magaalada Caabudwaaq ku sugan Maxkamadii Gobolka Galgaduud oo u joogta qaadista Kiiskan.

Edaysanayaashan ayaa wax laga waydiiyay Falalka lagu Soo eedeeyay ee kufsiga iyo Fadeexaynta iskugu jira, dhamaantoodna waxay qirteen iney geysteen fal dembiyaadkaas foosha xun sida ay sheegayaan dad ka qeyb galay dhegeysiga Maxkamada.

Maxkamada ayaa sheegtay iney maalmaha Soo socda kiiskan soo afmeerto, xukuna ku rido raggan.

Waxaa Sidoo kale maqane ah oo lamaha Amnigu ay baadi Goobayan Eedaysanihii afraad oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Axmed Cabbullaahi oo sida wararku sheegayaan u so baxsaday magaalada Muqdisho.

Shacabka degmada Caabudwaaq ayaa dhegaha u taagaya go’aanka iyo xukunka ay gaari doonto Maxkamada maalmaha soo socda kaasoo dadka qaarkood sheegayaan hadii aan la waafajin caddaaalada xiisad ka abuuri kara Magaalada.

Ad
Previous articleXisbiga Liberalka Sweden oo ku Baaqay Mamnuucista Xijaabka ee Dugsiyada Sweden
Next articleMidowga Africa oo xiliga ay furmayaan wadahadalka dowlada Itoobiya & kooxda TPLF shaaciyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here