Home Wararka Caalamka Midowga Africa oo xiliga ay furmayaan wadahadalka dowlada Itoobiya & kooxda...

Midowga Africa oo xiliga ay furmayaan wadahadalka dowlada Itoobiya & kooxda TPLF shaaciyey

0

Midowga Afrika ayaa qorsheeyey in wadahadalada u dhexeeya dawladda Ethiopia iyo kooxda Tigray ee TPLF ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, bishan October 24-keeda sida laga soo xigtay masuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya.

Wadahadalkan oo dhowr jeer oo hore qabsoomi waayey ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro colaadda wakhtiga dheer qaadatay ee ka socotay gobolka woqooyi ee Tigray.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor dawladda federaalka Ethiopia ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen saddex magaalo oo istaraateji ah oo ku yaalla gobolka Tigray, sida magaalada Shire oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ku barakacay dagaalada ka socda gobolkaas.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa diblomaasiyiintu ay ku boorrinayeen dawladda Ethiopia iyo ciidamada Tigrayga inay isla meeldhigaan xabbad joojin degdeg ah, iyada oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ka digay xaaladda ka jirta woqooyiga Ethiopia isagoo ku tilmaamay in xaaladdu ay faraha ka sii baxayso.

Ad
Previous articleRag Kufsi ka Gaystay Kadibna Muqaal ka Duubay Gabar oo Maxkamada Caabudwaaq Go,aan ka Gaartay
Next articleMidowga Yurub oo IRAN ku ciqaabay Talaabadii ay uga qayb Qaadatay dagaalka Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here