Home Wararka Somaliya Galmudug Rag Ka Tirsan Alshabaab oo Lagu Qabtay Deegaano ka Tirsan Galmudug(Sawiro)

Rag Ka Tirsan Alshabaab oo Lagu Qabtay Deegaano ka Tirsan Galmudug(Sawiro)

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan degamadaas laga xoreeyey.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ragga lasoo qabtay waxaa ku jira horjoogayaal, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

1-Cabdirashiid Macalin Cali (Durdurshe)

2-Cabdi Gaanyaco

3-Iyo Mascuud Cali Lugey.

Isniinti lasoo Dhaafay ayay ahayd markii Alshabaab laga Saaray Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud Shalay ayayna Weerar Culus kusoo Qaadeen Degmada Galcad oo ayaba Dhawaan laga Saaray Alshabaab Taas oo lagu Dilay Taliye ku Xigeenkii Ciidanka Danan

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo Ka Socda Duleedka Degmada Xarardheere
Next articleQaybo ka Mid ah Suuqa Bakaaraha Oo Xalay Gubtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here