Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Ka Dhawaajiyay Arimo ay Ubaahanyihiin Dadka Reer Galmudug

Qoor Qoor oo Ka Dhawaajiyay Arimo ay Ubaahanyihiin Dadka Reer Galmudug

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in dadka Reer Galmudug ay u baahan yihiin xasilooni siyaasadeed iyo mid amni

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in dal walba ama degaan kasta markii la doonayo in la maalgashado laga fiiriyo xasiloonidiisa siyaasadeed iyo xaaladdiisa amni.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka looga baahanyahay in ay noqdaan kuwa u hoggaansan sharciga si Galmudug ay u noqoto meel lagu kalsoon yahay islamarkaan samaysa horumar fiican.

Dhinaca kale Qoor Qoor ayaa ku baaqay in loo gurmado shacabka ku dhaqan degaannada Galmudug ee ay abaartu saamaysay.

Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Cadaado oo lagu xusayay sannad-guuradii 14-aad ee ka soo wareegtay as’aaskii Galmudug.

Ad
Previous articleWasiirka Arimaha Gudaha oo isugu yeeray dhamaan shaqaalaha Wasaaradda
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Magacaabay Agaasimaha Maaliyada ee Madaxtooyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here