Home Wararka Somaliya Puntland Qarax ka dhacay Magaalada Bosaaso iyo Faahfahin kasoo Baxaysa

Qarax ka dhacay Magaalada Bosaaso iyo Faahfahin kasoo Baxaysa

0

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Warka ayaa intaas ku daraya qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee shirkadda dhismaha Bulsho oo u dhow xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa ka dib laga kala cararay goobtaas balse aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay

Laamaha amniga Boosaaso saraakiil ka tirsan ayaa iyana warbaahinta u sheegay in qaraxaas loo adeegsaday bam gacmeed lagu tuuray shirkadda dhismaha Bulsho oo ah shirkad madax banaan oo wada shaqeyn la leh maamulka Magaaladaas.

Ad
Previous articleKooramkii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Buuxsamay
Next articleAskari Ka Tirsanaa Ciidanka Dowlada oo la Dilay iyo Ninkii Dilay oo asna La Toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here