Home Wararka Maanta Kooramkii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Buuxsamay

Kooramkii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Buuxsamay

0

Tan iyo markii uu bilaabay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) shahaado siinta Xildhibaanada cusub ee la doortay ayaa waxa uu maanta gaaray kooramkii labada aqal.

Xildhibaanada qaatay shahaadada uu bixinayo guddiga FEIT ayaa gaaraya illaa 177 Xildhibaan oo ka kooban 139 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 38 Senator oo Aqalka Sare ah.

Guddiga FEIT ayaa maalintii shanaad magaalada Muqdisho ka wada diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa uu weli ku adkeysanaya guddiga fulinta jadwalkii dhaarinta Xildhibaanada, isaga oo farriin culus u diray xildhibaanada dhimman oo uu ka dalbaday inay soo gaaraan xarunta FEIT, si looga faa’iideysto muddada kooban ee ka hartay shahaado bixinta.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ayaa aad usii kordhaya, tan iyo markii uu guddigu bilaabay inay diiwaan-geliyaan xildhibaanada soo baxay, walow Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka caga jiidayaan shaqada socota.

Si kastaba, Arrintan ayaa dhalisay khilaaf xoog leh oo haatan ka taagan dhammeystirka doorashada Soomaaliya oo qaadatay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad ah, kadib dib u dhacyo ku yimid.

Ad
Previous articleGudiga Doorashooyinka koonfurgalbeed oo Markale Ka Horyimid go,aankii Maantay Kasoo Baxay Guddiga Doorashooyinka FIET
Next articleQarax ka dhacay Magaalada Bosaaso iyo Faahfahin kasoo Baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here