Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Degmada Balcad iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

Qarax ka dhacay Degmada Balcad iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla gudaha degmada Balcad, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in maqaayadda la qarxiyey ay inta badan tegi jireen shaqaale ka tirsan maamulka degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu sababay khasaare u badan dhaawac, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana dhaawacyada ka dhadhay qaraxa la geeyey isbitaallo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Ad
Previous articleMadaafiic lagu Garaacay Deegaanka ceel baraf iyo khasaaro ka dhashay
Next articleMaraykanka oo Ka Hadlay Dib u Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here