Home Wararka Maanta Madaafiic lagu Garaacay Deegaanka ceel baraf iyo khasaaro ka dhashay

Madaafiic lagu Garaacay Deegaanka ceel baraf iyo khasaaro ka dhashay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in ciidamadda ATMIS ay aroortii hore ee saaka madaafiic ku garaaceen deegaanka Ceel-baraf,halkaasoo ay saldhigyo ka sameysteen kooxda Al-Shabaab.

Sida wararka la helayo ay tilmaanayaan ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee ku sugan deegaanka Miirtuugo oo u dhow degaanka Ceel-baraf ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen halkaasi, iyadoo madaafiicda la sheegay iney ku dheceen xarumo Shabaab iyo guryo ay dadkii daganaa isaga barakeceen, iyadoo aan la soo sheegin tirada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashtay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee lagu qaaday deegaanka Ceel-baraf ee hoostagta degmada Mahadaay, iyadoo deegaankaas ay wali ka maqan yihiin ciidanka ATMIS oo laga saaray dhawaan, kadib weerar ay qaaday Shabaab.

Weerarkaas oo dhacay 3-dii bishan May waxaa lagu dilay inkabadan 30 askari oo ka tirsan ciidanka Burundi, halka tiro askar ahna la sheegay in nolosha lagu qabtay, wixii xiligaasi ka danbeeyay ciidamadan Afrikaanta ah wali meysan ku laaban xeradoodii weyneyd ee deegaankaasi oo qiyaastii 65 KM u jirta caasimadda Hirshabelle ee Jowhar.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo la Kulmay Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle, Sawiro
Next articleQarax ka dhacay Degmada Balcad iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here