Home Wararka Caalamka Qaramada Midoobey oo ka digtay Dhibaatada abaarta iyo 7 Milyan in ka...

Qaramada Midoobey oo ka digtay Dhibaatada abaarta iyo 7 Milyan in ka badan oo wajahaya ..

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah iyo mid nololeed si looga hortago macluusha loogana jawaabo abaarta Soomaaliya marka la gaaro bisha December.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee sii kordhaya ay sii kordhinayaan in  dalka  uu qarka u fuulo  macaluul.

“Ku dhawaad ​​boqolkiiba 50 dadka 7.7 milyan oo qof  waxay u baahan yihiin nooc ka mid ah gargaar bini’aadantinimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah lagu qiyaasay inay abaartu saamaysay,” OCHA ayaa ku sheegtay waxqabadkeedii ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

“Abaartu waxay baabi’isay  nolosha dadka ugu nugul, iyo dadka la haybsooco, oo ay ku jiraan haweenka, carruurta iyo beelaha laga tirada badan yahay, nafaqo-xumada ba’an ee carruurta ayaa sii kordheysa.” ayaa lagu yiri warbixinta.

Afar roobab oo is xigxigay oo la waayay ayaa sababay abaartii ugu darneyd ee dalka soo marta muddo 40 sano ah, waxaana malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin macluushii ugu darneyd.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo Maanta Xamze Hor geenaya Golaha shacabka
Next articleLaftagareen oo Amara Culus Kusoo Rogay Siyaasiyiinta Koonfurgalbeed xili lafilaayo in Mukhtaar robow lasoo Daayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here