Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen oo Amara Culus Kusoo Rogay Siyaasiyiinta Koonfurgalbeed xili lafilaayo in Mukhtaar...

Laftagareen oo Amara Culus Kusoo Rogay Siyaasiyiinta Koonfurgalbeed xili lafilaayo in Mukhtaar robow lasoo Daayo

0

Maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed ayaa mamnuucay in shirar siyaasadeed lagu qabto deegaanada uu ka arrimiyo, wuxuuna maamulku shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin ‘doonaya inay qalqal siyaasadeed geliyaan gobolka.’

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in cidna aan laga ogolaa doonin falal amniga ka baxsan, isagoo sheeciyey in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulsan yihiin qalqal gelin, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jirto xaalad adag oo abaaruhu ay sababeen, isla markaana maamulka oo taas ka duulaya uusan cidna ka ogolaa doonin qalqal gelin iyo hurinta falal amniga ka baxsan.

“Saad ogtihiin walaalayaal deegaanadaan Koonfur Galbeed waxaa saameysay abaar dabo dheeraatay, halkii looga gurman lahaa, dadkani uma baahnay in laga dhex abuuro qalqal gelin, xiligaan la joogo in doorasho aan la gaarin laga hadlo, sida ay wasaaradda amnigu horay uga digtay ma aqbali doonto in siyaasiyiin dano gaar ah leh ay qalqal amni ka abuuraan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri wasiir Maxamed Isaaq.

Sidoo kale wasiirka amniga maamulkaas ayaa hey’adaha Koonfur Galbeed faray in cid kasta oo qalqal gelin ay ku tuhmaan ay waajibkooda ka gutaan.

Hadalka wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi oo ku dhawaaqay go’aan lagu hakinayo shirarka looga hadlayo siyaasadda wuxuu imaanayaa, xilli guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow uu Baydhaba uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas.

Guddoomiye Shiine ayaa Baydhaba ka sheegay in waqtiga u haray Laftagareen uu gabaabsi yahay, isla markaana shan bilood iyo 20 maalmood kadib laga doonayo inuu qabto doorasho, kuna kalsoonaado baarlamaanka.

Lafta-gareen ayaa sii xajinaya awoodda maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo hadda u muuqda inuu cagta saaray waddo kali talisnimo ah, oo ay ka go’an tahay inaanu xukunka marna ka degin.

 

 

Ad
Previous articleQaramada Midoobey oo ka digtay Dhibaatada abaarta iyo 7 Milyan in ka badan oo wajahaya ..
Next articleAjaanib Ka Tirsan Daacish oo lagu Qabtay Gudaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here