Home Wararka Maanta Qalbidhagax oo Muqdisho lagu Soo Dhaweeyey Xili Axada Doorashada Madaxweyne La Qabanaayo

Qalbidhagax oo Muqdisho lagu Soo Dhaweeyey Xili Axada Doorashada Madaxweyne La Qabanaayo

0

Halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa galabta kasoo dagay magaalada Muqdisho, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaadaha ee Aadan Cadde, afar sano iyo bar kadib markii cadowga loo gacan geliyey.

Qalbi Dhagax ayaa afar sano iyo siddeed billood ka hor laga dhoofiyay isla garoonka maanta sida heerka sare ah loogu soo dhaweeyay, xiligaasi oo isagoo indhaha ka xiran loo gacan geliyay cadowga Ethiopia, ayada oo ay dhiibtay xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa 23-kii bishii 1-aad ee sanadkaan kulan aan caadi aheyn oo yeesheen uga laabtay go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay ururka ONLF ee Soomaali Galbeed iyo Dhiibistii Qalbi Dhagax.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay xiligaas in laga laabto go’aan ay gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo Soomaaliya ay ururka ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso.

“In dhiibistu ay xad-gudub ku ahayd xuquuqaha shakhsi ahaaneed ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida xaqa qofku u leeyahay xorriyad iyo ammaan ee lagu xusay qodobka 15aad ee Dastuurka iyo xaqa u madax-bannaanida aragtida iyo u xor ahaanshaha cabbirka ra’yiga ee ku xusan qodobka 18aad ee Dastuurka.”

Ad
Previous articleDeg Deg: Afar Daqiiqo oo Caan ka ahaa Degmada Guriceel oo Goordhow La Dilay
Next articleMaxay Ka Wada Hadleen Wafdi Maraykanka ee Soo Gaaray Hargaysa iyo Muuse Biixi(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here